Waa maxay?

Marka la leeyahay Gudniinka Gabdhaha (oo luuqadda talyaaniga lugu soo gaabiyay ‘MGF’) waxaa laga wadaa nooc kasto oo lagu jarayo - qayb ka mid ah ama giddigeed – qaarka sare ee xubinta taranka dumarka ama wax kasta oo ku saabsan baddalinta xubnaha taranka dheddiga, iyadoo la tixraacayo dhaqan, hidde ama sababo kale oo aan caafimaadka haweenka ku saabsaneyn.
Gudniinka Gabdhaha waa xadgudug aad u foolxun ee xuquuqda hablaha iyo gabdhaha iyo dumarkoo idil lugu xadgudbayo.
Hawlahaan waxay ka kooban yihiin in la gooyo ama la jaro qayb ka mid ah unug caafimaad leh (kintirka) iyo mararka qaarkood xitaa bushimaha yar yar ee xubintaa. Nooca ugu culus, oo la yiraahdo gudniinka fircoonica, waa kan bushimaha waaweyn (kuwa kore ee xubinta) la wada jarayo qaarna la isku tolayo, iyaado sidaa awgeed furniinka ama duleelka xubinta taranka aad u yaraanayo, kaasoo dhibaato badan oo culus u keenaya isu taga ama galmada iyo dhalmadaba. Xitaa noocyada ugu fudud (matal qanjaruufooyin kintirka iyo bushimaha yaryar lagu cadaadinayo ama sanco kale sida duleelinta, saridda, jaridda ama gubniinka) waxay hawl ka qabanayaan xubin caafimaad leh oo dareen badan; hawlahaa oo ka duwan kuwa la qabto marka la gudayo wiilasha, oo cad jirka ka mid ah keliya ayaa la jaraya, ee lama taabanayo  xubin  dhan  ama  muruq.

Waa kuwee dhibaatooyinka ka imaan kara gudniinka gabdhaha?

Dhibaatooyinka Jirka soo gaaraya:
• Caado xanuun leh
• Kaadidoo dhib iyo xanuun leh
• Cudurrada kaadimareenka
• Dhib iyo xayirnaan kolkay marayso shaybaar ama baaritaanka xubinta taranka
• Xanuun ama karti la'aanta galmada
• Nabarro  xubinta taranka
• Ciriiriga xubinta taranka haweenka
• Raaxo ama istareex la’aan marka la isu tagayo
• Dhibaatooyinka ama qatarta dhalmada, oo sababaya in ubadka lugu qalo ama ay dhicisaan
• Qatarta dhiigbax daran iyo ummulraac oo ay sabab u tahay marka la jaro meel hore u biskootay  oo gudniinka kaddid is qabsatay

Dhibaatooyinka dareenka qalbiga iyo cilaaqaadka wax u dhimaya:
• Isku kalsooni la’aan
• Qalbi jab
• Walaac
• Cilladda  walaaca ka dhasha shoog kaddib
• Dhibaatooyin kale oo nafsadda dareenkeeda ku saabsan (tusaale ahaan: cabsi, kalsooni darro iyo caro aad u careysan tahay reerkaada, dabeecad is xumaynaysa, jirro maskaxeed oo xaddidaya uurka qaadistiisa, iwm.)

Xaggee ku sugan yihiin caadooyinkaan, maxaana sabab u ah?

Gudniinka Gabdhaha waxaa aad looga dhaqmaa gaar ahaan 28 waddan ee Afrikada Saxaraaga koofur ka xiga, hase ahaate waxaa kaloo looga dhaqmaa Cummaan, Yaman iyo Indoniisiya (qariidada eeg).
Haweenka iyo gabdhaha la guday ama halis u ah waxay ku nool yihiin meel kasta ee dunida, xitaa Italya iyo Yurub.
Bulshooyinka ku dhaqma gudniinka waxay adeecsan yihiin in gabadhii aan la gudin aysan guursan karin, carruur dhali karin ama nolol sharaf leh ku noolan karin; iyo goynta kintirka inuu ka badbaadinayo inanta dhibaatooyin xun ama kacsi xaddhaaf ah oo aan la iska ilaalin karin oo wasaq ah, oo halleynaya mustaqbalka guurka ama sababaya furitaan, haddii ay tahay naag la qabo.
Inkastoo dhaqankaan hadda uu madnuuc ka yahay waddamada afrikaanka u aad ugu faafsanaa oo idil iyo waddamada qaxootiga soo galaan, sida Itaalya, weli gudniinka gabdhaha waa la sii wadaa, sababtoo ah waxa tageeraya arrimo  badan oo diineed iyo / ama dhaqameed, waayo waxaa aad loo aaminsan yahay inay yihiin shuruud bulshadu leedahay oo ulajeeddadeedu tahay mid  aad ugu fiican dumarka laftooda.
Si wax looga qabto xaaladda, waa lagama maarmaan in shaki la galiyo ama la is waydiiyo fikraddaan la iska dhaadhiciyay , sababtoo ah dhab ahaantii waxaa si ballaaran loo soo bandhigay in haweenka iyo gabdhaha aan haysan dhaqankaan ay guursan karaan, carruur san dhali karaan taas oo ay weheliso in la ixtiraamo, iyagoon dhibaato la kulmin, iyago nolol fiican ku noolaadaan, jaceyl iyo xaqdhowrna ka helaan nimankooda. Iyagoo aan la kulmeyn dhibaatooyinka ka imaanaya sida caafimaad darrada; waxbay baran karaan oo waxay heli karaan shaqo fiican si ay uga qaybqaataan dhaqaalaha qoyska, iyagoon ka hortagin qaraj  iyo  qatar  halis  caafimaadkooda  gelinaya.

Gudniinka gabdhaha iyo ilaalinta caalamiga ah
Sababahaan oo dhan, maanta, UNHCR, Hay'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, waxay  u aqoonsatay inay yihiin qaab cadaadis ah oo lagu takoorayo koox  gaar ah - haweenka, hablaha iyo gabdhaha - kuwaas oo u keeni kara dhimasho ama masiibo socoto ah, sidaas awgeed waxaa laga yaabaa inay sabab u noqoto in ilaalinta caalamiga ah loo bixiyo/aqoonsado/oggolaado.
Sidoo kale Heshiiska Istanbul ee ku saabsan cadaadinta haweenka iyo go'aanka sharci-dejinta 18 Ogost 2015 n. 142 ee hirgelinta mabaadida Xeerka Soo-dhaweynta ee EU (Dir. 2013/33 / UE) iyo "Habsocod" (dir. 2013/32 / EU) ayaa tilmaamaya haweenka soo maray gudniinka (FGM) ama hablaha iyo gabdhaha halista u ah gudniinka, inay  qaadan karayaan ama xaq u leeyihiin  ilaalintaa aan kor ku soo sheegnay.
Marka laga hadlayo gabdhaha ama hablaha, ilaalinta waxaa codsan kara waalidkooda iyo / ama qofka masuulka ka ah,  iyadoo lo sii  ballaarinayo kuwa masuuliyadda dhabta  ku leh  gabadha ama hablaha  ka yar 18 sano.
Waxaa kaloo ilaalinta  caalamiga ah codsan kara dhaqdhaqaaqayaasha u doodaya joojinta gudniinka gabdhaha, hadday caddeyn karaan in sababtaa awgeed loo raadsado oo loo silciyo.
Gudniinka gabdhaha waxay kaloo ka tahay dambi, sharciga Talyaaniga, dambigaa oo istaahila 4 illaa 12 sano oo  xarig ah (Qodobka 538 ee xeerka ciqaabta).

Halkeen ka heli karaa gargaar, daryeel iyo taageero?

Gargaar caafimaad iyo daaweyn, dalka Talyaaniga waxaad la xiriiri kartaa la-taliyayaasha, isbitaallada iyo xarumaha daryeelka aasaasiga ah. Adeegyadani waa lacag la’aan oo waxaa sidoo kale ka faa’iideysan kara haweenka, hablaha iyo gabadha aan xitaa lahayn sharci ama ruqsada degganaanshaha ama dukumenti kale oo ansax ah. Maadaama gudniinku yahay dhaawac halis ah oo keeni kara dhibaato  culus oo ku saabsan caafimaadka iyo nolosha qofka cilladaan soo maray, Nidaamka Caafimaadka Qaranka ayaa looga baahan yahay inuu gargaaro dhammaan gabdhaha iyo dumarka u baahan.
Si aad u heshid ilaalin iyo taageero Talyaaniga, waxaad la xiriiri kartaa Xarumaha Ka-hortagga Cadaadiska iyo rabshada ee ku yaalla waddanka, iyadoo loo aqoonsanayo in gudniinka fircoonigu yahay nooc ka mid ah ku xadgudubka jinsiga.
Xarumahaan ka-hortagga xadgudubka waxaad jira ood ka isticmaali kartaa adeegyadan soo socda:
• Tixraac lagu tusaaleynayo oo lugugu dhaweynayo aqoonta xuquuqda iyo adeegyada (lugu barayo akhris-qoraal xuquuqda iyo awood-siinta).
Talo bixin iyo caawimaad ee xagga sharciga, si lacag la’aan ah:
- waxaad soo diri karta codsiga ilaalinta caalamiga,  adiga iyo gabadhaada ama gabdha aad masuul ka tahay);
- inaad ka fogaato in gabadhaada ama gabar kale ama gabdho / haween kale la gudo, ama lagu  celiyo dhaqankaan (waxaad ogaata in waddanka Talyaaniga xitaa gabadhii hore u gashay gudniin  inay codsan karto in la ilaaliyo/badbaadiyo, mata: hadday dhaleyso oo dabcan “dib loo furayo” waxay halis u tahay inay dhiig baxdo).
Soo dhoweyn iyo garabjoog xag niyadeed, xag cilaaqaad,  xag cilmi nafsi iyo xag dhaqanba,
dumar hawshaan loo tababaray oo ka shaqeeya xarumaha la-dagaallanka xadgudubka haweenka  iyo, haddii loo baahdo, dumar ka taageeraya dhex dhexaadinta dhaqanka dumarka ama turjubaan ah, ayaa kaa caawimaya, sidaad u go'aansato waxa ugu habboon ama ugu wanaagsan ee adiga iyo gabadhaada loo qabto, si nolol nabad ah u heshaan, nolol ka fog khatarta iyo dulmiga gudniinka fircooniga ah, ka fog  hanjabaadda iyo cadaadiska qoyska. Haddii loo baahdo, Xarumaha la-dagaallanka rabshada iyo xadgudubka ayaa kaa caawin kara inaad dhisato cilaaqaad bulshadeed oo cusub, ama u bilawdid barnaamijyo dhaqaale ma isku filnaan, si aad u noqoto shaqsi  madaxbannaan, nabadgelyana u hesho. Waxaad la sheekeysan kartaa dumar badan, oo xitaa dhaqankaada kula wadaaga: waa dumar doortay inay weydiistan magangalyo ama ilaalinta caalamiga iyo adeegyada qaraj la’aanta ah ee MGF, waa haween doortay inay gabdhahooda ka badbaadiyaan dhaqankaan dhibaatada weyn u geysanaya.
 • Martigelin la idinku martigelinayo hoy adiga, gabdhahaaga iyo caruurtaada, haddii aadan la joogi karin qoyskaaga ama jaaliyadaada oo ay rabaan inay kugu qasbaan gudniin adiga ama gabadhaada. Waxaa waddanka Talyaaniga ka jira ururro badan oo samara ah oo maamula Guryo Martigalin oo ku heyn kara muddo, halkaas oo aad ka heli karto cunto, hoy iyo daryeel haddii aad ku qasbantahay inaad ka baxsato gurigaada, si aad adiga ama gabdhahaaga isaga ilaalisiin rabshada iyo xadgudubka  jinsiga (dumarka).
Boggan waxaad ka heli doontaa QARIIDADDA WADA XIRIIRINTA (MAAB INTERACTIVE) EE WADDANKA TALYANIGA . Riix horta gobolka kaddibna magaalada kuugu dhow ama aad joogto. Waxaad ka heli doontaa adeegyo kala duwan ee ku anfacaya ee meesha aad ku nooshahay.